Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Kampala * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Kampala

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, iyadoo garoonka diyaaradaha Entebbe ay ku soo dhoweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga, Guddoomiyaha Guddiga difaaca Baarlamaanka iyo saraakiil kale.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Uganda ayaa la xiriira sidii dalalka gobolka uu taageero milateri uga heli lahaa, sidii guluf dagaal loogu qaadi lahaa Al-Shabaab oo maamusha qeybo badan oo ka mid ah Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la balansan dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal, la dagaalanka Al-Shabaab iyo sidii Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howl galka AMISOM uga qeyb qaadan lahaayeen gulufka dagaal.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tagi doona dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo madaxda dalalkaas uu kulamo gaar ah la qaadan doono.

Howl galka AMISOM ayaa ka amar qaata madaxda wadamadooda, waana lagama maarmaan weerar kasta oo dowladda Federaalka qaadeyso inay amraan Madaxda dalalka ciidamadooda joogaan Soomaaliya

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!