Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo heshiis muhiim ah gaaray

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa wada hadallo ay Nairobi ku yeesheen goor dhow ku gaaray heshiis diblumaasiyadeed oo lagu soo celinayo cilaaqaadkii labada dowladood.

Hoos ka Akhriso qodobada lagu heshiiyay.

  1. In xiriirka labada dal lagu soo celiyo si caadi ah, iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dalna la xoojiyo.
  2. In Duulimaadka tooska ah ee Miqdisho iyo Nairobi lagu soo celiyo toos (Wajeer aan la soo marin) muddo toddobaad ah.
  3. In muwaadiniinta wata baasaboorrada Rasmiga ah (Service iyo Diplomat) visaha Kenya ay ka qaataan Garoomada Kenya (On arrival)
  4. In kiiska Badda ee ICJ yaalla uusan saammayn xiriirka labada dal sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in wada hadalladaan aysan saameyn ku yeelan doonin kiiska horyaalla maxkamadda ICJ ee dacwadda hadda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!