Thomas Waldhauser
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika oo kulmay.

Thomas Waldhauser oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ee africom loo yaqaano ayaa kulan la qaatay Markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay sidii ciidamada mareykanka ee soomaaliya jooga ay taageero lixaadleh kaga siin lahaayeen dowladda soomaaliya dhanka la dagaalanka al shabaab iyo sida looga saari lahaa deegaanada ay kaga suganyihiin dalka.

Booqashadiisa Gen. Thomas Waldhauser, ayuu ku micneeyay in ay la xiriirto sidii looga taageeri lahaa dowladda Soomaaliya dhan waliba oo ay ubaahantahay. Waxaa uuna xusay in Dowladda Soomaaliya laga taageerayo waxa uu ugu yeeray D3s oo ah Difaaca,

Diblomaasiyadda iyo Horumarka soomaaliya ayna gunta dhiisha udhigi doonaan arimahaasi. Mareykanka ayaa la ogsoonyahay in soomaaliya uu ka geysto duqrymo diyaaradeed oo bartilmaameed kaga dhigto fariisimada iyo xeryaha ciidan ee al-shabaab ay ku leeyihiin gudaha dalka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!