Madaxweyne Farmaajo iyo Kenyatta maxay ka wada hadleen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo iyo Kenyatta maxay ka wada hadleen

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadahadal kula yeeshay Madaxtooyada magaalada Nairobi Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Labada madaxweyne ayaa waxa ay ka wadahadleen xiriirka labada wadan iyo arrimo ay ka mid yihiin howlgalada ciidamada AMISOM ee ay dowlada Kenya ciidamadeedu ka mid yihiin.

Madaxweynayaasha labada dal ayaa waxaa ay isla soo qaadeen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasada ee gobolka waxayna kulankooda diirada ku saareen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada dal ee jaarka ah.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in dowladiisu ay taageersan tahay dadaalka ay ugu jirto dowlada Kenya inay golaha joogtada ah ee Qaramada Midoobay kursi ku yeelato.

Madaxweyne Farmaajo booqashada uu ku tegey maanta magaalada Nairobi ayaa ah booqasho rasmi ah oo hal maalin ah taasoo aan hore loo sii shaacin.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!