
Mid kamid ah Ururada Siyaasadeed ee ka howlgalla deegaannada Puntland oo lagu Magacaabo hoggaanshe ayaa waxaa Xukuumadda Madaxweyne Deni ay ku eedeeyeen in uu burburin ku haayo Ururkaas.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed kasoo baxay Ururkaas.
Urur Siyaasadeedka Hoggaanshe waxa uu ku wargalinayaa dadweynaha reer Puntland iyo bulshada caalamkaba in xukuumadda Puntland ee uu hoggaaminayo madaxweyne Deni ay isku dayeyso sidii ay u burburin lahayd Urur Siyaasadeedka Curdanka ah ee HOGGAANSHE.
Maamulka Madaxweyne Deni ayaa isku daygaas u adeegsanaya hanjabaad iyo cabsi galin lagu hayo dadka doonaya inay ururka kusoo biiraan, iyadoo docda kalena uu maamulku faafinayo dacaayado been abuur ah oo sumcadda looga dilayo mas’uuliyiinta ururka iyadoo la isticmaalayo kooxo ilaa heer abaabulan oo dhanka baraha bulshada iyo kooxo caddiifadda qabiilku ku weyntahay oo goobaha bulshadu isugu timaaddo kaga sheekeeya in nidaamka axsaabta badan uu PL ka hirgalo ay khatar toos ah ku tahay systemka hadda jira ee Puntland.
Taas ka sokow waxaa jirta in lacago laaluush ah loo ballan qaaday qaar ka mid ah xubnaha urur siyaasadeedka HOGGAANSHE si ururka loo fashiliyo ama looga weeciyo wadada saxda ah ee uu ku socdo.
Sidaas darted waxaan si xushmad leh uga codsanaynaa maxkamadda sare iyo xafiiska xeer ilaaliayaha guud ee Puntland inay arrintan soo faragaliyaan waxna laga qabto falalkaas xadgudubka ku ah dastuurka Puntland ee ay xukuumaddu ku kacayso.
Ugu dambayn waxaan ku wargalinaynaa hay’adaha ammaanka ee Puntland si dhow ula socdaan xaaladaha dhanka dhanka amniga ah ee xafiisyada iyo xubnaha Urur Siyaasadeedka HOGGAANSHE, maadaama uu maamulka madaxweyne Deni horay u sheegay inay jiraan kooxo ka tirsan ururada argagixisada oo la siiyo qandaraasyo ku qotoma fulinta weeraro qorshaysan anagoo hadalkaas madaxweyanhana u aragna inuu ahaa farriin si toos ah ugu socota mas’uuliyiinta urur siyaasadeedka HOGGAANSHE.