Madaxweyne Deni oo kulan la yeeshay Wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka

Read Time:40 Second

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah kulan la yeeshay safiirka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Donald Yamamoto.

Madaxweyne Deni ayaa hoyga uu ka deganyahay xeyndaanka Garoonka diyaaradaha adan Cadde ee Muqdisho ku qaabilay safiirka Maraykanka, halkaas oo ay kulan gaar ah ku yeesheen labada mas’uul.

Kulanka waxa looga hadlay xallinta khilaafka ka aloosan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Waxa kale oo kulanka looga hadlay arrimaha shirka ku saabsan doorashooyinka oo la filayo in uu maalmaha soo socda Muqdisho ku dhexmaro dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kale la qaatay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyagoo ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo doorashada dhaceysa.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.