Madaxweyne Deni iyo Qoorqoor oo hadda kulan u socda iyo War laga helay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Deni iyo Qoorqoor oo hadda kulan u socda iyo War laga helay

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoorqoor ayaa hadda si wadajir ah uga qeybgalaya  Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug oo ka furmay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo.

Kulanka ayaa looga hadlaya Iskaashiga Puntland iyo Galmudug, ee dhinacyada Amniga, isdhexgalka bulshada iyo horumarka dhinac kasta.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlaya guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Doorashadda.

Waxaa shirka ka qeybgalaya, Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, Wasiiro iyo Saraakiil Madaxtooyo oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka ee labada dhinac ee Gobolka Mudug.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More