Madaxweyne cusub oo loo doortay DDSI
Waxaa xalay la doortay Madaxweynaha cusub ee Dowlad deegaanka Soomaalilada itoobiya,iyadoo ay doorteen Guddiga fulinta ee Shacabka Dimuquraadiag Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) ayaa loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha cusub ee dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya,kaasi oo ka mid ahaa xubnihii mucaaradka ee Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar.
Sidoo kale waxa uu Mustaf ka soo shaqeeyay Hay’adda Qaramada midoobey qeybta OCHA loo yaqaano,waxa uuna ka soo jeedaa Magalada Dhagax-Buur,sida ay xaqiijiyeen dad aad u yaqaana.
Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay Madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, isla markaasna xilkaas loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed.
Comments are closed.