Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Shir u furay Beelo dad badan iska laayay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Shir u furay Beelo dad badan iska laayay

Madaxweynaha dowlad Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Maanta Magaalad Jowhar ka daahfuray Shirka nabadeynta iyo dib u heshiisiinta beelo walaalo ah oo colaad ku dhexmartay deegaanka burdheere ee degmada Cadale.

Shirkaan nabadeynta waxaa ka soo qeyb galay Xubnaha labada gole ee Maamulka, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Drexe, Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Somaliyed, nabadoonada, culimada, iyo Aqoonyahanada  beelaha Walaalaha ee Colaad dhextaalay muddo fog.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday waxgaradka iyo aqoonyahanada beelahaan inay ka dhabeeyaan nabadeynta iyo soo afjarida colaadaan daba-dheeraatay oo galaafatay nolosha dad badan.

Madaxwaynaha ayaa goobta ka sheegay muhiimada uu shirkaan u leeyahay awgeed uu uga baaqday casuumaad uu ku tagi lahaa Garoowe, isagoo sheegay inuu ka doorbiday Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Beelaha Walaalaha ee wada dega degmada Cadale.

Shirka Maanta uu daah-furay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa waxaa uu socon doonaa sida uu qorshahu yahay inta xal waara looga helayo Colaada in muddo ka dhex jirtay beelo ku dagaalamay degmada Cadale ee Sh/Dhexe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.