Madaxweyne Cali Guudlaawe oo kulan la yeeshay Madaxweynihii hore ee dalka

Read Time:39 Second

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa gelinkii dambe ee shalay kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Cali Mahdi ayaa waxaa uu ahaa mid salaan iyo is xog-wareysi ku aadan xaaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashada 2021.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Madaxweynihii hore ee dalka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanada Maamulkaas iyo arrimo kale oo qorsheysan.

Cali Mahdi ayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe uga mahadceliyay booqashadii uu u tegay, iyagoona Cali uu Madaxweynaha uu kula dardaarmay inuu xooga saaro dib u heshiisiinta iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka jira.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isagoona ka qeyb galay kulamo looga hadlaayay doorashada dalka ka dhaceysa oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.