Madaxweyne cadaan ah si KMG ah u qabtay hogaanka dalka Zamiba * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne cadaan ah si KMG ah u qabtay hogaanka dalka Zamiba

Mareeg.com: Kadib markii salaasadii la shaaciyey inuu isbitaal ku yaala magaalada London ee dalka Ingiriiska uu ku geeriyooday madaxweynihii dalka Zamba, Michael Sata ayaa waxaa madaxweyne KMG ah loo magacaabay nin cadaan ah oo lagu magacaabo, Gay Scott.

Gay Scott ayaa noqonaya ruuxii ugu horreeyay oo caddaan ah oo madaxweyne ka noqda dalkaas tan iyo markii uu dhammaaday xukunkii midab-kala-sooca ahaa ee Koonfur Afrika 1994-kii.

Scott oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii dalka Zambia ayaa muddo saddex bilood ah xilka haynaya, kaddib markii gellinkii dambe ee talaadadii uu madaxweynihii hore ee dalkaas Michael Sata ugu geeriyooday Britain.

Michael-Sata_2117184b

(Madaxweynihii geeriyooday ee Zambia, Micheal Sata)

Madaxweynaha geeriyooday ee Zambia, Michael Sata ayaa ku geeriyooday da’da 77, lamana oga faahfaahinta ku saabsan sida uu u dhintay iyo cudurka dilay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.