Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Si Layaab Leh Uga Hadlay Arrin DFS Ay Ku Dhaqaaqday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Si Layaab Leh Uga Hadlay Arrin DFS Ay Ku Dhaqaaqday

Waxaa maanta Magaalada Kismaayo oo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose dib ugu laabtay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan ka maqnaa Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe markii uu ka degay Kismaayo waxa uu ka hadlay arrinta la xiriirta saraakiishii shalay lagu xiray Garoonka diyaaradaha Kismaayo,kuwaasi oo dowladda Federaalka u magacawday Taliyeyaasha hay’adda Nabadsugida Jubbaland.

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya aysan Jubbaland kala tashanin soo Magacaabista Taliyeyaash,isla markaana sheegay in dowladda ay qeyb ka tahay Amnidaradda ka jirta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa arribtaas ku timamay mid laga xumaado,isagoona sheegay inay ka horimaaneyso heshiiskii horay u wada saxiixdeyn Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka uu isga hogaamiyaha ka yahay .

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxa uu aad u dhaliilay qaabka ay u shaqeyso dowlada Soomaaliya,isla markaana sheegay in maamul goboleeyada dalka ka jira aysan xiriir la laheyn sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa soco dadaado lagu xalinaayo khilaafka ka dhashay saraakiishii shalay lagu xiray Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo,kuwaas oo dowladda Soomaaliya u magacawday Taliyeyaasha Hay’adda nabadsugida jubbaland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!