Madaxweyne Axmed Madoobe oo shir guddoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta waxuu shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Maamulkiisa.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay xaalada guud gaar ahaan Siyaasada iyo amaanka Degaanada Maamulka Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wuxuu sheegay in uu socdo dardar galinta howlaha isku dubaridka Hay’adaha amaanka gaar ahaan Ciidamada qalabka sida.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu hoosta xariiqay in xaalada Siyaasada iyo amaanku ay yihiin kuwo caadi ah oo sidii loogu talagalay kusocda.

Madaxweynahu waxaa kale oo golaha uu uga warbixiyay sharciga dhismaha dhulka iyo bixintiisa oo uu xalay saxiixay isla markaana dhaqan galintiisa ay iska kaashanayaan Wasaarada Howlaha guud iyo Wasaaradaha bah wadaagta la ah.

Shircigan oo in mudo ah laga soo shaqaynayay ayaa noqonaya kii ugu baahida badnaa ee dhawaanahan ay golahu meel mariyaan iyadoo muranada dhulka la xiriira ay ahayeen caqabada ugu weyn afartii sano ee lasoo dhaafay.

Abdi Aziz Hassan Ibrahim is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @mareegonline Email: news@mareeg.com