
Kismaayo, November, 23, 2017 :-Golaha Wasiirada Jubbaland waxaa ay maanta dood dheer ka yeesheen gudiga Amniga Jubbaland iyo sidii ay shaqadooda u dardar galin lahayeen iyadoo la isla qaatay in kulankooda ugu horeeya uu qabsoomo maalinka Axada ah ee soo socda isla markana lagu lafa guro hananka amaanka gobolka iyo xoraynta deeganada maqan wakhti lagu jiro u diyaar garoowgii ugu danbeeyay oo lagu qaadayo hawlgal midaysan oo Al-Shabaab lagu cirib tirayo.
Waxaa kale oo golahu ay ka doodeen dib u eegista gudiga qoxootiga iyadoo ay warbixin dhamaystiran kazoo diyaarinayso Wasaarada arimaha gudaha.
Dhismaha Hanti Dhawraha guud ayaa kulanka lagaga hadlay iyo sidii loo samayn lahaa gudiga madaxa banan ee la dagaalanka musuqa iyadoo dhamaan hay’daha Dowliga ah ay shaqadooda u gudanayaan hab isla xisaabtan ku salaysan.
Waxaa kale oo kulanka Wasaarada Maaliyadu ay kusoo bandhigtay qorshe lagu midaynayo canshuuraha deeganada Jubbaland oo dhan isla markana la hoos gaynayo Wasaarada Maaliyada si looga hortago musuq maasuq.
Golahu waxaa kale oo ay isku raaceen in la dardar galiyo hananka shaqo abuurka dhalinyarada oo lacago farabadan loo qorsheeyay.
Ugu danbayn waxaa la isku raacay in loo diyaar garoobo isla markana la dar dar galiyo hawlaha la xiriira Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka oo dhawaan ay Jubbaland marti galinayso.
………….DHAMAAAD……….