Madaxweyne Axmed Madoobe oo Kismaayo ku soo xiray Shir Muhiim ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Kismaayo ku soo xiray Shir Muhiim ah

Shirkan oo maalmahan ka socday Magaalada Kismaayo ayaa lagaga hadlayay sidii Wasaaradaha Caafimaadka Jubbaland iyo Kenya ay isaga kaashan lahayeen badqabka dadka ku nool deeganada Xuduudka iyadoo mashruucan uu hoos tagayo Dowlad Goboleedyada Kenya ee xuduudka la leh Jubbaland waxaana kor ka maamulaya Wasaaradaha Caafimaadka Jubbaland iyo Kenya.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay muhiim tahay iskaashiga dhinacyada nabadgalyada Caafimaadka iyo xiriirka ee Bulshooyinka ku nool soohdinta labada dal.

Dhamaan Hay’adaha Mashruucan fulinaya ayuu bogaadiyay isagoo sheegay in ay tahay shaqo wakhtigeedi kusoo aaday.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu mahad celin balaadhan u jeediyay Dowlada Kenya oo garab istaagtay dadka Gobolka si gaar ah wuxuu amaanay Ciidamada qaybta ka ah AMISOM ee KDF sidii naf hurka ahayd ee ay ugu soo gurmadeen dadka Soomaaliyeed ugana dulqaadeen Argagixisada meelo badan inta dhimana uu rajaynayo in ay xorayntooda diyaar u yihiin.

Bulshooyinka Xuduudka ku nool ayuu sheegay in dano badan ay ka dhexeeyaan isagoo xusay in Dowlada Kenya wakhti dhow ay dib u furayso xuduudka si Noloshu ay u noqoto mid isku xiran dadkuna ay dhaqdhaqaaq u samayn karaan.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!