Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Read Time:49 Second

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa cambaareeyay Weerarka ay Argagixisadu maanta ka gaysteen Xarunta Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynahu wuxuu Allaah uga baryay dadkii goobtaas ku dhintay in uu Naxariistii jano ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna ay Caafimaad deg deg ah xaga rabi ka helaan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Argagixisadu ay leedahay hal hadaf oo ah in ay dilaan qof walba oo aan iyaga kamid ahayn wuxuu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gacmaha is qabsadaan oo aanay ogolaan in maalin walba qaar iyaga kamid ah ay Argagixisadu si xaqdaro ah u disho.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Dowlada Federaalku ay ka gaabisay masuuliyadii ka saarayd Amniga iyo Xoraynta dalka taa badalkeedana ay khalkhal iyo shaqaaqooyin ka abuurayso deegaano nabdoon iyadoo taasi ay fursad u siisay Al-Shabaab in ay gaystaan weeraro ay dadka shacabka ah iyo Xarumaha Dowlada ku beegsanayaan waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in Gobolada qaar ay dib usoo noqdeen dagaaladii qabaailka iyo awoodii Al-Shabaab.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %