Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay Arrin Xasaasi Ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay Arrin Xasaasi Ah

Hogaamiyaha Maamul Goboledka Jubbaland Axmed Madoobe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan shaki ku jrin in dowlada Dhexe ay waxbadan xaq u lee dahay oo Dalka quseeya,Laakin waxa uu tilmaamay in ay u baahan yihiin in loo yeero Madaxda maamul Goboledyada Dalka ka jira,islamarkaana waxa jira lagala tashado sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale waxa uu Carabka ku dhuftay Axmed Madoobe in maamul Goboledyada waxa ay ku qaldan yihiin loo sheego lagana saxo,waxa uuna hadalkiisa inta uu ku daray in uu doonayo in Go’gal u dhigayo Magaalada Kismaayo taas oo Madaxda maamul Goboledyada ka Jira,ay iskugu yimadaan,islamarkaana Dowlada ay kawada hadlaan waxa ay ugu haboon ee ay qaban karaan maadama sida uu tibaaxay ay Dalka loogu bahan yahay in ay wax u qabtaan maamul Goboledyada.

Axmed Madoobe Hogaamiyaha maamul Goboledka Jubbaland ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay donayaan in Xukuumada ay la fariistaan ayna kawada hadlaan waxa u haboon Dalka Danta iyo Dalka,islamarkaana ay Dowlada ka dhaadhiciso Mowqifka ay qadatay in Dalka uu Faa’iido u lee yahay iyo Sababata keentay in ay qadato Go’aankaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!