Madaxweyne axmed madoobe oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee DDSI * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne axmed madoobe oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee DDSI

Kadib markii shalay la doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ,kaasi oo lagu magacaabo Mustaf Maxamed Cumar ,oo ay doorteen Guddiga fulinta ee Golaha Shacabka Dimuqraadiga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,ayaa hambalyo loo diray.

Mustaf Maxamed Cumar ayaa waxaa hambalyadii ugu horeysay u diray Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),waxa uuna ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo doortay.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxa uu Madaxweyne Mustaf ugu hambalyeeyay magacaabista xilka cusub oo ay u doorteen Guddiga fulinta ee Golaha Shacabka Dimuqraadiga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,isagoona kula hadlay khadka Telefoonka,waxa uu u rajeeyay guul wanaagsan.

Madaxweynaha cusub ee dowlada deegaanka Soomaalida itoobiya ee loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha dalkaasi Mustaf Maxamed Cumar ,ayaa waxa uu horey uga mid ahaa xubnihii Mucaardka Madaxweynihii hore ee DDSI ee Cabdi Maxamuud Cumar,waxa uuna ka soo jeeda Magaalada Dhagax-Buur.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!