Madaxweyne Axmed Madoobe Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Soo Gaaray Muqdisho + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Axmed Madoobe Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Soo Gaaray Muqdisho + Sawirro

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka koobna labada gole iyo Masuuliyiin kale Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JSF iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradah Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhici doona Caasimada.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in amaanka wadanku uu aad uga wanaagsan yahay sidii uu ahaa Sanado kahor isla markana ay rajo wanaagsan ka qabaan in la gaaro isku filnaansho dhinaca amniga ah.

Ciidamada Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in duruufo adag ay ku shaqaynayaan taas oo jirtana ay wax badan oo juhdi ah galiyeen nabadgalyada wadanka.

Madaxweynahu wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay kasoo baxaan go’aamo horay usii dhaqaajiya rajada laga qabo in Soomaaliya ay amaankeeda hanato isla markana la isku duba rido Ciidamada Qaranka.

 

—DHAMMAAD—

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!