Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Sudan oo Heshiis kala Saxiixday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Sudan oo Heshiis kala Saxiixday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Suudaan, Field Marshal Omer Hassan Ahmed Al-Bashir ayaa kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada ee dalka Suudaan.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xoojinta xiriisuda_2rka labada dal , iyagoo ku heshiiyay dhismaha guddi heer wasiir ah oo ka shaqeyn doona arrimahaasi.

Iskaashiga labada dal ay xoojinayaan ayaa waxaa ka mid ah dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga amniga, dhaqanka, waxbarashada, tayeynta laamaha dowladnimo ee Soomaaliya iyo kuwo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne Al Bashir , shacabka iyo dowladda Suudaan uga mahad celiyay sida ay u garab istaageen Soomaaliya xilligii burburka, iyo waqtigan la joogaba, isagoo ka codsadey in la sii wado taageeradaasi.

Waxaa uu intaa ku darey in Soomaaliya ay sannadkan ka dhacayaan doorashooyin , taasina ay ka marag kaceyso, horumarka laga sameeyay dhanka dowlad dhisidda, baahinta maamulka iyo in shacabku yeesho codka ay ku soo dooranayaan hoggaankooda.
suda_3
Madaxweyne Al-Bashir, ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso, isagoo sheegay in Suudaan ay taageeradeeda Soomaaliya sii wadeyso ilamaa ay Soomaaliya dib cagaheeda isu taageyso.

Waxaa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu dhowaan arko Soomaaliya oo si buuxda amnigeeda ula wareegta, taasina ay dhabbada u xaari doono horumarka dalka.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale xusay inay doonayaan in labadooda dal ay tusaale u noqdaan gobolka, kana shaqeeyaan horumarka, xasiloonida iyo amniga.

Waxaa dhanka kale heshiis iskaashi magaalada Khartoum ku kala saxiixdey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Federaalka ee Suudaan. Labada Madaxweyne ayaa goob joog ka ahaa saxiixa heshiiskaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!