Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka degay Baledweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka degay Baledweyne

Mareeg.com: Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay tegay Muqdisho, xalayna ku sugnaa ayaa maanta isagoo uu wehlinayao madaxweyne Xasan Sheekh u gudbay magaalada Baledweyne, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamada dalka Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

Labada madaxweyne ayaa waxa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhoweeyay Saraakiisha Ciidamada AMISOM, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo dayaasha dhaqanka.

Ammaanka magaalada Beledweyn iyo duleedyadeeda ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo gebi ahaanba la hakiyay diyaaradihii caadiga ahaa ee maalin walba ka degi jiray Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Wafdiga labada madaxweyne ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Jabuuti ee AMISOM, waxaana goor dhow loo gelib doonaa gudaha magaalada Beledweyn.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la kulmi doona Saraakiisha AMISOM ee Jabuuti, isagoo kormeeri doona xeryaha ciidamada ay ku leeyihiin duleedka Beledweyne.

Taliyaha guud ee ciidamada Jabuuti Jen. Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa 10-kii bishaan gaaray magaalada Baledweyne, isagoo tagay magaalada Buulo Burde oo ah magaalada labaad ee ay ku sugan yihiin ciidamada Jabuuti.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!