Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo heshiis wada gaaray+Sawirro

Gaalkacyo ( Mareeg)-Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa maanta heshiis nabadeed ku kala Saxiixday Madaxweynayaasha Maamullada Puntland iyo Galmudug.madax2

Heshiiska labada dhinac ay isla gaareen ayaa ka kooban illaa 4 qodob kuwaas oo ay ka mdi yihiin in xabadda la joojiyo , in Ciidamada labada dhinac la kala qaado , in dadka Magaalada ka barakacay dib loo soo celiyo iyo weliba in xal fiican la iskala gaaro khilaafka u dhexeeyo labada dhinac.Madaxda-Galmudug-iyo-Puntland

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid , Wasiiro, Xildhibaanno , Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Jubbaland iyo wakiilo ka socday Beesha Caalamka ayaa goob joog ahaa dib u heshiisiintaasi.

Hoos ka aqriso qodobada lagu heshiiyay:-
hishiis12316469_10201015001572492_7333089179488445047_n-2