Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Koofur Galbeed oo gaaray Dhuusamareeb

Madaxweynaha maamulada Puntland iyo Koofur Galbeed C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Gaas ayaa ku tagay Dhuusamareeb diyaarad qaas ah oo ka soo qaaday magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa diyaarad qaas ay geysay, waxaana labadaba loo soo dhoweeyay si diiran.

Waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Madaxda Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale, iyadoo la dejiyay guri gaar ah oo looga diyaariyay magaalada.

C/wali Gaas ayaa shalay ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Dhuusamareeb, kaddib markii diyaarad ay leedahay UN-ka ay diiday inay qaado boorsooyin iyo agab aanay baarin, waxaana saraakiisha la socotay Madaxweyne Gaas ay diideen in la baaro alaabtii ay wateen.

Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu gaaray Dhuusamareeb ayaa sheegay in taariikh gaar u leedahay magaalada, maadaama ay tahay magaaladii uu ku dhashay.

Madaxda ayaa ka qeyb geli doona munaasabadda dhameystirka heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug iyo midowga labada maamul oo wixii hada ka dambeeya ay dowlad goboleedka Galmudug ku howl geli doonto Dhuusamareeb, maadaama ay tahay caasimadda maamulkaas.

Ammaanka Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ku sugan Madaxweyne Farmaajo, Madaxda maamulada Galmudug, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Puntland, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland uu ka baaqday safarkii uu ku tagi lahaa.

About A warsame 9752 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245