Madaxweynayaasha Maamulada Ahlusunna & Galmudug Oo Shir Uga Furmaya Magaalada Nairobi

Waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya ku sugan Madaxweynayaasha Ahlusunna Waljameeca iyo Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo lagu wado in halkaasi uu uga furmo Wada-hadallo u dhaxeeya labada dhinac.

Madaxweynayaasha Ahlusunna Waljameeca iyo Galmudug ayaa waxa ay shalay gilinkii dambe ka duuleyn Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadn Cadde iyagoona kusii jeeday Magaalada Nairobi.

Wada-hadalkaan u dhaxeeya Ahlusunna Waljameeca iyo Galmudug ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu garwadeen ka yahay Urur Goboleedka IGAD oo u yeeray labada Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Qodobadda ugu muhiimsan ee looga hadlaayo ayaa waxaa ka mid ah sidii Ahlusunna ay qeyb uga noqon laheyd Baarlamaanka iyo Wasiiradda Galmudug.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in dhamaadka bishaan Magaalada Muqdisho uu ka furmi doono wadahadal kale oo u dhaxeeya maamulada Ahlusunna Waljameeca iyo Galmudug oo lagu soo afjaraayo khilaafka u dhaxeeya Ahlusunna Waljameeca iyo Galmudug.