Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo gaaray Magaalada Kismaayo + Sawirro
Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa maanta waxaa halkaasi gaaray qaar kamid ah Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Madaxweynayaasha gaaray Kismaayo ayaa waxa kamid ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,waxaana Garoonka diyaaradaha Kismaayo ku dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islam iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.
Sidoo kale waxaa la filayaa in Saacadaha soo socda ay gaaraan Magaalada Kismaayo,Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Golaha iskaashiag dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu Shir uga furmo Magaalada Kismaayo,kaasi ay oo uga hadli doonaan khilaafka u dhaxeeya dowlad goboleedka Jubbaland iy dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Ammaanka Magaalada Kismaayo maanta si weyn loo adkeeyay,waxaana wadooyinka Magaalada la dhigay Ciidamo Boolis ah oo aad u badan.
Comments are closed.