Madaxweynaha Yemen oo ku sugan Sacuudi Carabiya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Yemen oo ku sugan Sacuudi Carabiya

Mareeg.com: Madaxweynaha dalka Yemen, Cabdi Rabbuh Mansuur Haadi ayaa gaaray caasimadda Sacuudi Carabiya ee Riyadh, sidaas waxaa sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayey warar kala duwan oo ka hadlaya halka uu ku sugan yahay madaxweyne Haadi, haddase waxaa la xaqiijiyey inuu ku sugan yahay Riyaadh.

Madaxweyne Haddi ayaa horay ugu sugnaa magaalada Cadan ee koonfurta Yemen, wuxuuna halkaas isaga cararay kadib markii Xuuthiyiintu kusoo dhawaadeen, islamarkaana 20 Milyan dollar u ballan qaadeen qofkii isaga gacanta kusoo dhiga.

Mas’uuliyiin Sacuudiyaan ah ayaa sheegay in madaxweyne Haadi uu tegi doono magaalada Sharma Sheikh ee dalka Masar, si uu halkaas uga qeybgalo shir madaxwwdka dalalka Jaamacadda Carabta.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.