Madaxweyne Xasan Sheekh oo Nairobi kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Nairobi kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliya

Nairobi – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta 6-4-2014 la kulmay jaalliyadda Soomaaliyeed ee deggan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, xilli jaaliyadda ay soo wajaheen culeyso uga imaanaya ciidamada amaanka Kenya oo boqolaal ka mid ah xabsiyada ku gureen.
Kulanka ayaa inta badan looga wada hadlay ammaanka Soomaalida ku nool dalka Kenya, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Nairobi oo Soomaalidu ay maalmihii ugu dambeeyey ka cabanayeen dhibaatooyin ay u geystaan ciidamada ammaanka ee Kenya.
Sheekh Shakuul oo u hadlay jaalliyadda Soomaaliyeed ee Kenya ayaa ka sheegay kulanka in ciidamada Kenya ay waayahan dambe dhibaatooyin cul-culus u geystaan Soomaalida, gaar ahaan xaafadda Islii oo ay deggan tahay inta badan Soomaalida ku nool Nairobi.
Sheekh Shakuul ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay in wax laga qabto dhibaatooyinka joogtada ah ee lagu hayo Soomaalida.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay waxa ka dhacay Nairobi ee loo geystay Soomaalida, wuxuuna xusay inuu kala hadlay madaxweynaha Kenya sidii wax looga qaban lahaa.
Xasan Sheekh ayaa ku boorriyey jaalliyadda Soomaaliyeed ee Kenya inay ciidamada Kenya gacan ka siiyaan sidii ay u adkayn lahaayeen ammaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhanka kale jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya ugu baaqay iney dib u dhis ku sameeyaan safaaradda Soomaaliya ku leedahay Nairobi oo u baahan dayactir.
Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!