Madaxweynaha Xasan oo raba in gargaarka diyaarado lagu geeyo deegaanada laga saaray Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Xasan oo raba in gargaarka diyaarado lagu geeyo deegaanada laga saaray Alshabaab

Kampala – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay in dowladdu u baahan tahay diyaarado gargaarka lagu gaarsiiyo degmooyinka Alshabaab laga saaray.

Madaxweyen Xasan Sheekh ayaa Al-shabaab ku eedeeyay inay doonayaan inay deegaannadaas ka dhigaan kuwo ay macluuli ka dillaacdo, kadib markii Alshabaab go’doomisay degmooyinka ay kala wareegeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qiray in Alshabaab diideen in degmooyinka iyaga laga saaray la gaarsiiyo gargaar iyo ganacsi, isagoo xusay in haddii xitaa ay Al-shabaab aysan ku hayn go’doomin deegaannadaas ay haddana waddooyinku yihiin kuwo bur-bursan oo aanay gaadiidka gargaarka wada mari karin.

Wuxuu sheegay in deeq-bixiyeyaal uu dhawaan la kulmay ay ballanqaadeen inay jawaab ka bixin doonaan, balse ay u sheegeen in gargaar diyaarado lagu qaado aysan wax badan ka tari doonin nafaqo-darrada haysata carruur badan oo Soomaali ah.

Alshabaab oo dhawaan laga saaray degmooyin farabadan oo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa xooga saaray sidii ay u go’doomin lahaayeen degmooyinkaas oo ay xitaa u diideen iney la gaarsiiyo ganacsi.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!