Madaxweynaha Uganda oo eryey R/wasaare siyaasad ahaan aad ugu dhawaa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Uganda oo eryey R/wasaare siyaasad ahaan aad ugu dhawaa

Mareeg.com: Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa eryey oo xilka ka qaaday R/wasaare, Amama Mbabazi oo ahaa nin ay aad isugu dhawaayeen, xilkaasna hayey tan iyo sanadkii 2011, sidaas waxaa qoray Watgeyska New Vision ee dalka Uganda.

Amama Mbabazi

(Raysul Wasaarahii la eryey ee Uganda, Amama Mbabazi)

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa xilka R/wasaaraha u dhiibay wasiirkii hore caafimaadka, Ruhakana Rugunda.

2014_9$largeimg219_Sep_2014_102158730

(Raysul Wasaaraha Cusub ee Uganda, Ruhakana Rugunda)

Warqadda xilka looga qaaday R/wasaare, Amama Mbabazi ayaa madaxweyne Museveni ku sheegay inuu u mahadcelinayo R/wasaarihii hore oo uu sheegay inuu shaqo badan qabtay.

Amama Mbabazi ayaa in muddo ah ay saaxib dhow ahaayeen isaga iyo Museveni, hase ahaatee waxey is khilaafeen kadib markii xisbiga talada haya uu musharaxa Madaxweynaha sanadka 2016 u doortay Museveni.

Mr Mbabazi ayaa loo arkayay ninka bedeli lahaa Mr Museveni, hase yeeshee ay isku dhaceen, waxaana laga yaabaa in sanadka 2016 doorashada dhici doonto inuu noqon doono ninka kaliya ee la tartami doona.

Baarlamaanka Uganda ayaa la filayaa inuu ansixiyo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub, kadib markii warqad qoraal ah oo uu soo saaray madaxweyne Museveni.

Madaxweyne Museveni ayaa muddo dheer hayey xilka madaxweynaha dalka Ugand, wuxuuna kursiga fariistay sanadkii 1986, waxaana la filayaa inuu sanadka 2016 markale isku soo sharaxo xilka madaxtinimada.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!