Madaxweynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan oo booqashadii labaad ku imaanaya Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan oo booqashadii labaad ku imaanaya Soomaaliya

Mareeg.com: Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayip Erdogan ayaa lagu wadaa inuu booqashi ku tago qaar ka mid ah dalalka Afrika bishan Janaayo 2015.

Erdogan SOm

Sdia laga soo xigtay saraakiil ka tirsan madaxtooyada Turkiga, dalalka uu booqanayo Erdogan waxaa ka mid ah Soomaaliya, sidoo kale wuxuu booqan doonaa Ethiopia iyo Tanzania.

Madaxweynaha Turkiga ayaa 4 scodaal oo kala gedisan ku tegi doona 12 dal oo Afrikaan ah, hase ahaatee wuxuu wareegga hore booqaan doonaa Somalia Ethiopia iyo Tanzania.

Dalalka kale ee Erdogan booqan doono bishaan Janaayo waxaa ka mid ah dalka Iran, wuxuuna la kulmi doonaa madaxweynaha dalkaa Hassan Rouhani.

Recep Tayip Erdogan isagoo ahaa RW dalka Turkiga ayuu booqasho ku yimid Soomaalida sanadkii 2011, wuxuuna dalkaas u horseeday in caalamku usoo jeesto.

Erdogan iyo Shariif

Turkiga ayaa wixii xilligaas ka dambeeyey mashaariic gargaar iyo kuwa horumarineed ka weday Soomaaliya, isagoo Muqdisho ka dhisay jidad, Isbitaalo, Iskuulo iyo adeegyo kale.

somalia_1

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!