Madaxweynaha Turkiga oo Waraaqihiisa Ka Guddoomey Safiirka Cusub ee Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Turkiga oo Waraaqihiisa Ka Guddoomey Safiirka Cusub ee Soomaaliya

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Maxamed Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa waraaqadiusa aqoonsiga ka gudoomey madaxweynaha Turkiga Mudane Rajep Tayip Erdogan.

Danjire Maxamed Cabdullaahi ayaa badalaya safiirkii horey halkaasi u fadhiyey Maxamed Mursal oo xilkaasi laga badalay.

Sanbaloolshe waxa uu soo ahaa wasiir, markii ugu dambeysana waxa uu noqdey taliyaha nabad suggida qaranka ee NISA, xilkaasi oo uu ka qaaday Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Turkiga iyo madaxweyne Erdogan ayaa ka mid ah saaxiibadda ugu waaweyn ee Soomaaliya, iyada oo dowladda dalkaasi ay si weyn uga qeybqaadatay dib u dhiska dalka Soomaaliya oo wali socda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!