Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo labadii habeen ee lasoo dhaafay ku sugnaa Sacuudiga, isagoo halkaas u tegay tacsida boqorka ayaa la filaa inuu saaka xilli hore yimaado Muqdisho si uu usoo dhaweeyo wafdiga madaxweynaha dalka Turkiga.
Amaanka Muqdisho ayaa saaka la sii adkeeyey, waxaana la xiray Isgoyso ka fog garoonka iyo madaxtooyada, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay xirnaayeen waddooyinka muhiimka ah ee ay inta badan adeegsadaan mas’uuliyiinta dowladda.
Turkiga ayaa dalka Soomaaliya ka wada mashaariic horumarineed, waxeyna noqoneysaa markii labadaa ee Reccep Tayyip Erdogan uu booqdo Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.