Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo tegay Koonfur Afrika

Johannesburg – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tegay agaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Waxaa madaxweyne Xasan Sheekh socdaalkiisa ku wehliya wasiirka arrimaha debadda C/raxmaan Ducaale Byele.

Madaxweynaha ayaa Koonfur Africa u tagay in uu ka qeyb galo caleema saarka madaxweynaha Koonfur Africa, Jacob Zuma oo mar kale ku guuleystay in dalkaasi uu madax ka noqdo.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu la kulmo madax fara badan oo ka tirsan caalamka oo xafladaasi caleema saarka lagu casuumay, islmarkaana ay ka wada hadlaan arrimo la xiriira xaaladda dalka iyo horumarada ka jira.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245