Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Oo Tegay Magaalada Jowhar

Read Time:48 Second

Jowhar – (Mareeg.com): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta magaalada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo todobaadyadii lasoo dhaafay daad go’doon ka dhigeen kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabeelle.

Madaxweynaha iyo xubnaha la socda ayaa waxaa Jowhar gaarsiiyey diyaarad helicopter ah oo wadata calaamadda UN, taasoo ka degtay garoon kubadda lagu ciyaaro oo ku yaalla Jowhar.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiim Xaaji Fiqi, Wasiirada Horumarinta iyo Adeega Bulshada Maryan Aweys iyo qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Booqashada Madaxweynaha ayaa ujeedkeeda aheyd inuu beesha caalamka tuso dhibaatada ka jirta Gobolka, gaar ahaan fatahaadaha ka dhacay magaalada Jowhar, isla markaana ay ku barakaceen dad fara badan.

Madaxweynaha ayaa garoonka kubada cagta kula kulmay maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka, iyo maamulka degmada Jowhar.

Waa booqashadii labadd ee madaxweyne Xasan Sheekh ku tago Jowhar tan iyo markii xilka loo doortay sanad ka hor.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %