Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo shir uga qeybgelaya Masar

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Sharm Sheik ee dalka Masar.

Madaxweynaha iyo wafdisgiisa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’isulwasaaraha Masar.

Dowladda Masar ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku casuuntay shir muhiim ah oo ku saabsan dhaqaalaha dalkaas, hirgelinta mashaariic horumarineed iyo maalgashi, kaasoo socon doonaa muddo sadex maalmood ah.

Shirkan uu madaxweynaha Soomaaliya ka qeyb galayo ayaa waxaa sidoo kale lagu casuumay madax ka socota 80 wadan iyo 23 urur oo caalami ah, waxaana inta uu socdo xubno katirsan ganacstada Soomaaliyeed gaar ahaan rugta ganacsiga oo wafdigan katirsan  ay arki doonaan maal-qabeeno iyo ganacsato kale.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ayaa warbaahinta u sheegay in shirkan Soomaaliya ay wax badan ka heli doonto marka la eego ka qeybgalka shirka ee sareeya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeedin doona shirkaasi iyadoo Soomaaliya ay dooneyso iney wax weyn ka kororsato shirkan.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245