Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo dacweeyey danjire Nicholas Kay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo dacweeyey danjire Nicholas Kay

Mareeg.com: Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha baarlamaanka ayaa aad uga carooday hadalkii xalay ka soo yeeray Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya danjire Nicholas Kay, kaasoo waxyaabihii uu sheegay ay ka mid aheyd iney jiraan xildhibaano codkooda ku iibsanaya iney xilka ka tuuraan R/wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh uu xalay warqad deg deg ah uu u qoray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Ban Ki-moon, isla markaana wuxuu ku sheegay inay ka fiirsan doonaan sii joogitaanka Nicholas Kay ee Somaliya.

Madaxweynaha, ayaa qoraalka ku cadeeyay in Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya uu faraha la galay Siyaasada Somaliya, isla-markaana ay taasi muujineyso sida uu kaga dheereeyay hawlihii loo igmaday.

Taageerada Qaramada Midoobe ee Somaliya wuxuu Madaxweynuhu ku sheegay mid ku eg uun wax u qabashada dadka talaabeysan, arrimaha horumarinta, dib u dhiska dalka iyo dib u heshiisiinta beelaha Somaliyeed, isla-markaana aysan Qaramada Midoobe xaq u lahayn inay soo fara geliso arrimaha Siyaasada.

Madaxweynuhu wuxuu qoraalkiisu ku xusay, in Nicholas Kay ay u arkaan mid garab gaar ah la saftay, taasina ay tahay wax aynaan aqbali karin Dowladdiisu.

Dhanka kale, baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku leh kulan albaabadu u xiran yihiin oo looga arrinsanayo hadalka kasoo yeeray danjire Nicholas Kay.

Danjire Kay oo xalay qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay in la doonayo in xilka laga tuuro R/wasaare Cabdi Weli iyadoo la gadanyo codka xildhibaanada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isaguna maanta kasoo dabasaaray qoraal uu ugu baaqay beesha caalamka iney ka dhex baxaan Soomaalida.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa khilaaf xoog leh dhex maray, waxaaana kala taageersan Golaha Wasiirada iyo baarlamaanka, iyadoo haatan madaxweynuhu u arko in ergayga Qarmada Midbooday, Nicholas Kay uu la saftay R/wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Mareeg Media

 

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!