Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo booqasho ku jooga dalka Japan
Muqdisho, 11 Maarso 2014 – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaaladda Tokyo ee dalka Japan iyadoo garoonka ay ku soo dhaweyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Japan ee uu ka mid ahaa safaiirka Japan ee Soomaaliya.
Wafdiga Madaxweynaha oo muddo Afar maalmood ah ku sugnaan doona dalkan Japan ayaa waxaa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiiradda Howlaha Guud, Nadiifo Maxamed Cusmaan.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo kulan la qaadan doona Ra’iisul Wasaaraa dalka Japan, Shinzo Abe ayaa kala hadlaya xoojinta xiriirka labadda dal iyo sidii Dowladda Japan taageero u siin lahayd Dowladda Soomaaliya sida Kalluumeysiga, Horumarinta Beeraha iyo sdii tababaro loo siin lahaa xirfadleyda Soomaaliyeed.
“Halkaan waxaan u joognaa sidii dowladda Japan aynu uga wada-hadli lahayn caawinta iyo horumarinta dalka. Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Japan xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeya, dadaal dowladdu bixisay ayuuna dib ugu soo laabtay xiriirkii Labada Dal, haddana waxaannu rajeyneynaa in uu sii xoogeysto waana mida iminka aannu ka shaqeyneyno oo ah adkeynta xiiriirkaas”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulan l qaadan doonaa Boqorka Dalkan Japan waxuuna booqan doonaa Madaxweynuhu Magaaladda Hiroshima.
DHAMAAD
Comments are closed.