Categories
Af Soomaali

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ugoodiyey Alshabaab

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u goodiyey Alshabaab kadib markii ay shalay weerar khasaare nafeed geystay ku qaadeen xarrunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in weerarka Alshabaab uusan dowladda ka leexin doonin qorshihii ay wadeen ee ay kula dagaalamayeen Alshabaab.

“Weerarkaas nagama leexinayo hadafkii aan laheyn, waxba iskama bedelin dagaalkii aan ku jirnay, nama qalqal gelineyso, waxaa ka qaadeynaa mooyee dhiiranaan, geesinimo iyo ad-adeyg” ayuu yiri Xasan Sheekh oo werriyaasha la hadlay kadib markii weerarku dhacay.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku goodiyey inuu soo socdo dagaal weyn oo ka dhan ah Alshabaab, kaasoo uu tilmaamay iney doonayaan iney carqaladeeyaan, balse sida uu yiri aysan arrintaas u suurageli doonin.

Wuxuu qiray madaxweyne Xasan Sheekh iney jirto habacsanaan ka jirta dhanka dowladda iyo howl isku haleyn, taasoo sida uu yiri keentay iney Alshabaab sii jiraan oo geystaan falalka nuucaan ah.

Madaxweyne Xasan ayaa la hadlay siyaasiyiinta iyo beelaha ku mashquulsan maamul sameynta gobollada, wuxuuna usoo jeediyey iney arrimahaas iska hakiyaan oo usoo wada jeestaan dagaal ka dhan ah Alshabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa marar badan jeediyey hadallo uu ugu goodinayo Alshabaab, hase ahaatee waxaa muuqata inaan ficil la socon, halka goodinta Alshabaab inta badan falal daba socdaan.

Mareeg.com

By A warsame

Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com
or Mobile :+447737886245