Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaray Safaarada Soomaaliya ee dalka Belgium (Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaray Safaarada Soomaaliya ee dalka Belgium (Sawirro

Mareeg.com-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray safaarada Soomaaliya ee dalka Belgium, halkaasoo uu mudooyinkan ka socday dayactir, iyadoo ay noqoneyso Safaaradii u horeysay oo ay leedahay Soomaaliya oo la dayactiro.
xasan_belgium_4xasan_belgium_1

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Belgium Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in dhismaha Safaarada ee magaalada Brussels ay dhowaan dib u dayactir xoogan ku sameeyeen, isla markaana ay ku guuleysteen inay ka dhigaan meel lagu shaqeyn karo, waxaana uu xusay in horay dadweyne ay u degenaayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb galay shirkii Madaxweynayaasha Yurub iyo Afrika ee ku soo gaba gaboobay magaalada Brussels, waxaana uu shirar gaar gaar ah uu la qaatay Madaxda badan oo reer Yurub ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxdii uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga iyo madax kale oo uu kala hadlay xiriirka labada dowladood iyo taageerida dowladda Soomaaliyeed.

Midowga Yurub ayaa sanadkii la soo dhaafay waxaa uu ugu deeqay Soomaaliya lacago malaayiin doolar ah oo dib u dhis iyo mashaariic looga hirgelinayo, waxaana qorshahaas loogu magac daray New Deal (Hiigsiga Cusub)

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!