Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxay Sacuudiga

Read Time:43 Second

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta u ambabaxay magaalada Makkah Al-mukarramah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya halkaas oo uu ka furmi doono Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho ku sii sagootiyey Xubno isugu jira,wasiiro,Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo xubno kale.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa Sacuudiga uga sii horeeyey wafdi horudhac u ah safarkiiisa oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaa\ha dibada ee dalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uuna ka mid yahay wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee uu Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galayo ayaa lagu wadaa in Maalinta Berito ah uu ka furmo Magalada Makkah Al-mukarramah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya,waxana uu socon doonaa mudo laba Cisho ah.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa sharaxaya safarka Madaxweynaha iyo qodobo kale.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %