Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Ambabaxay Dalka Kenya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Ambabaxay Dalka Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor-dhow u ambabaxay dalka Kenya, ka dib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta beri oo talaado ah dalka Kenya kaga qeyb gelaya Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaasi.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ilaa iyo 11-Hogaamiye la xaqiijiyay iney ka qeyb gelayaan xaflada Caleemasaarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa kale oo uu ka  qeyb geli doonaa Shirweynaha Madaxda Dowladaha Afrika iyo kuwa Midowga Europe, kaasi oo maalmaha Arbacada iyo Khamiista lagu qaban doono magaalladda Abijaan ee dalka Ayfori Koosti.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!