Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo tegay Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo tegay Kismaayo

Mareeg.com: Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhowayd gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb-galaya xafladda furitaanka shirka dib u heshiisiinta beelaha dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhoweeyay hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), saraakiil ka tirsan AMISOM, wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday urur goboleedka IGAD iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wafdiga madaxweynaha waxaa loo gelbiyay hoolka uu ka furmayo shirka ee ku yaalla xarunta caymiska ee degmada Kismaayo, halkaas oo ay ku sugan yihiin ergada ka qeyb-galeysa shirka.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyada oo sugidda amniga ay ka qeyb qaadanayaan ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba iyo ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM).

Xilli sii horreysay oo saaka ah waxaa Kismaayo gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay madaxweyne ku igeenka maamulka KMG ah ee Jubba, C/llaahi Sh, Ismaaciil Fartaag iyo masuuliyiin kale oo maamulka ka tirsan.

Xubnaha wafdiga wasiirka arrimaha gudaha ayaa waaxa ku jira xildhiabanno, iyadoo sidoo kale lagu wado in saacdaha soo socda uu gaaro magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose madaxweynaha Soomaaliyana Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo.

Dhanka kale, wakiilo ka socda ururka IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa iyaguna horay u gaaray Kismaayo, kuwaasoo ka qaybgalaya furitaanka shirka dib u heshiisiinta ah.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa aad uga duwan sidii hore maanta, iyadoo meel walba la dhigay ciidammo amniga ilaaliya, si ayasan dhibaato u dhicin inta u socdo shirka iyo intay wufuuddu soo gaarayso Kismaayo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!