Muqdisho, Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan kooxaha dagaalamy inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalada ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay iney wax laga xumaado tahay in dadka Jowhar uu fataahadda Shabeelle dhibaateyso haddana loogu daro xabad ay beelo isku ridayaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu ku guuleystay inay dagaalada joojiyo oo uu ciidamo kala dhexdhigay. Sidoo kale ciidanka Xoogga waxuu ku guuleystey in shacabkii barakacay lagu soo celiyey guryahoodii.
“Dadkii barakacay ee dagaalada saameeyeen hadda waa nabad oo dagaaladdii waa lagu guuleystay in la joojiyo.” ayuu yiri Madaxweynahu “Dowladdu waxey qorsheyneysaa inay dib-u-heshiisiin dhex dhigto oo madax dhaqameedka iyo bulshada rayidka deegaanku waxey ku howlan yihiin sidii shirkaas dib-u-heshiisiinta uu u qabsoomi lahaa. Dagaalada iyo Collaadahu waa inay joogsadaan oo labada dhinacba ay ka fogaadaan wax soo celin kara dagaalada.”
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey madax dhaqameedka, shacabka iyo bulshada rayidka ee deegaanka oo si dhab ah ula shaqeeyey dowladda, wuxuuna rajo ka muujiyey in dib u heshiisiinta socota ay noqoto mid waarta oo dadka deegaanka ay si wadajir ah oo nabad ah ay ku wada noolaadaan.
Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey AMISOM iyo Qaramada Midoobey oo uu sheegay iney ka saacideen dhanka tasiilaadka, wuxuuna dhanka kale warbaahinta gaar ahaan TV-yada ugu baaqay iney sameeyaan barnaamjiyo kaalmo loogu uruurinayo dadka fataahaddu ku dhibaateysay Shabeellaha Dhexe.
Dagaalka Jowhar ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 30 ruux oo dhinacyada dagaallamay ah, waxaana dhawaan wasiirka arrimaha gudaha aminga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed sheegay in beelaha dagaalamay loo qabanayo shir dib u heshiisiin labo waji ah oo kan hore ka dhacayo Muqdisho, kana labaadna lagu qabanayo magaalada Jowhar.
Mareeg.com