Read Time:25 Second
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho dhowaan lagu qaban doono shir loogu magac daray Tallo Qaran.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay shirkaan uu yahay mid lagu qaabeeynayo tallooyinka Soomaaliyeed ee dalka iyo debadba laga soo ururiyey ee noqonaya howalaha dowladda cusub ee 2016 2020 laga sugayo ee ay dadka Soomaaliyeed ku tallo bixiyeen.
Sidoo kale waxuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay soo gudbiyan fikradaha dalka wax looga badali karo.