Madaxweynaha Soomaaliya Oo Saakay Ku Wajahan Magaalada Kampala * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Saakay Ku Wajahan Magaalada Kampala

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saakay ku wajahan Magaalada Kampala ee Caasimada dalka Ugandha oo ay Ciidamo nabad ilaalin ah ka joogan Soomaaliya.

Safarka uu Madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo Magaalada Kampala ayaa waxa ay tahay casuumaad oo ka helay dhigiisa dalkasi Yoweri Museveni.

Farmaajo ayaa la filaya inuu Madaxweyne Museveni kala hadlo Arrimaha ammaanka iyo tababarada Ciidamada dowlada Federaalka maadama dowlada Ugandha ay Ciidamada ugu badan howlgalka AMISOM u soo dirtay dalka Soomaaliya kuwaasi oo gaaraya tiradooda 6,223 Askari.

Waa safarkii 11 aad ee uu dibada ku tagayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hore u booqday dalalka Sacuudiga (2 jeer), Kenya, Jordan, Imaaraadka Carabta, Turkiga, Itoobiya,Ingiriiska, Jabuuti iyo Qadar.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!