Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo maanta ku wajahan Baydhabo

Read Time:51 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Baay.

Waxaa haatan Baydhabo ka socda qabanqaabada soo dhaweynta madaxweyne Xasan iyo wafdiga u raacaya Baydhabo, sida uu baahiyey Radio Muqdisho oo ku hadla afka dowladda Soomaaliya.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana xiran inta badan ganacsiga iyo xarrumaha waxbarashada, waxaana dadweyne farabadan lagu diyaariyey wadooyinka magaalada.

Warar lagu kalsoon yahay oo Mareeg Media heshay ayaa sheegaya in madaxweynuhu u tegayo Baydhabo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee dhanka maamulka ah, iyadoo halkaas ay ka jiraan labo maamul oo iska soo horjeeda.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku wada sugan labo nin oo mid kasta sheeganayo inuu yahay madaxweyne maamul goboleed, kuwaasoo kala ah: Madoobe Nuunow Maxamed oo sheeganaya madaxweynaha maamul 6 gobol ah iyo Maxamed Xaaji C/nuur oo sheeganaya madaxweynaha maamul 3 gobol ah.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu xal u raadiyo dhibaatada Baydhabo, taasoo gaartay meel adag, kadib markii dadku la kala safteen labada maamul.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.