Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusa Mareeb ee xarrinta gobolka Galgaduud, isagoo halkaas u tegay inuu ergada iyo odayaasha halkaas ku sugan ka dhaadhiciyo iney tagaan Cadaado si loo qabto shirka maamulka u sameynta Mudug iyo Galgaduud.
Madaxweynaha ayaa raba in la dardargeliyo qorshaha maamul u sameynta gobollada dhexe oo muddo soo jiitamayey.
Socdaalka madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah dhaqangelinta Hiigsiga 2016, oo qodobada ugu muhiimsan ay ka mid yihiin dhameystirka dhismaha dowlad goboleedyada.
Madaxweynaha ayaa markii uu tegay Dhuusa Mareeb amaanay doorka odayaasha dhaqanka ee ka qeybgalay shirka dib u heshiisiinta beelaha Galgaduud iyo Mudug.
“Aad baan ugu faraxsanahay horumarka ay sameeyeen odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada, dadaalka ay ugu jiraan dhismaha maamulka gobollada dhexe, dowladduna si buuxda ayay u taageersan tahay una garab istaageysaa hawlahan maamulka lagu soo dhisayo” ayuu yiri Madaxweynaha.
Lama oga in odayaasha iyo ergooyinka ku sugan Dhuusa Mareeb aqbali doonaan rabitaanka dowladda Soomaaliya ee ah in shirka maamulka lagu dhisayo lagu qabto Cadaado.
Mareeg Media