Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Gudoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir
Muqdisho – Mareeg.com: Wareegto kazoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu magacaabay 3 gudoomiye ku xigeen oo uu yeelanayo gudoomiyaha gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kalana la magacaabay Xoghayaha guud ee maamulka gobolka.
Wareegtada oo taariikheysan 10/3/2014 ayaa lagu magacaabay masuuliyiinta kal ah:
1- Kamaaludiin Daahir Maxamed ayaa loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca siyaasadda iyo dimuquraadiyenta. Xilkaas waxaa laga qaaday Cali Axmed Guure.
2- Ismaaciil Macallin Cabdi Guurre ayaa loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca maamulka iyo maaliyadda.
3- IImaan Nuur IIkar ayaa loo magacaaabay gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee arrimaha bulshada.
4- Warsame Maxamed Xasan ayaa laga qaaaday xilkii gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee arrimaha Amniga.
5- Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud (Amiin) ayaa loo magacaabay Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, xilkaas waxaa laga qaaday Cabdi Kaafi Hilowle Cismaan.
27-kii bishoo hore Febaraayo ayaa madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, iyadoo xilkaas laga qaaday Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Mareeg Media
Comments are closed.