Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta U Dhoofay Imaaraadka Carabta

Read Time:36 Second

Wafdi balaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde iyagoona kusii jeeda dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Madaxweyne Farmaajo iyo mas’uuliyiinta Imaaraadka ay ka wada hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah in lagu tixgaliyo Soomaaliya go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka, Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Imaaraadka Carabta ku tagayo Safarkii labaad tan iyo markii loo doortay Xilka Madaxtinimada Dalka Soomaaliya 8 February ee Sanadkaan 2017-da.

 

 

 

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %