Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku wajahan magaalada Garowe

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Garowe ee xarrunta maamulka Puntland.

Waxaa saaka magaalada Garowe ka socda diyaar garowga soo dhaqweynta madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi la socda.

Waxaa sidoo kale, la filayaa iney maanta Garowe tagaan hogaamiyaasha maamullada Juba iyo Koonfur Galbeed, Axmed Madoobe iyo Sharioif Xasan.

Sababta mas’uuliyiintaas u tegayaan Garowe ayaa lagu sheegay iney tahay ka qeybgalka shir wadatashi ah oo halkaas lagu qaban doono.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245